5 kursi oo ka harsaneyd Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada oo la doortay maanta.

6

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee kasoo galaya BFS.

Doorashada ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Ciidamada Cirka ee Afisyooni waxaa lagu tartamayay shan kursi oo ka mid ah 11-ka kursi oo aqalka sare ah, iyadoo lix kursi doorashadooda shalay la qabtay.

Kursiga koowaad ee doorashadii waxaa ku wada tartamay laba Musharax oo kala ah Saciid Cabdi Xuseen iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed, waxaana ku guuleystay Saciid Cabdi Xuseen, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Jaamac Cabdullaahi.

Kursiga labaad ee doorashada maanta dhacday waxaa tartamay Naciimo Xasan Xaaji iyo Muno Cumar Xasan oo aheyd Senataradii kursigaas ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ku guuleystay kursigaas Naciimo Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay codad gaaraya 30 cod , iyadoo Muno Cumar na ay heshay 13 cod.

Sidoo kale Kursiga saddexaad waxaa tartamay Musharaxiinta kala ah Cabdirisaaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid, waxaana kursiga ku guuleystay Cabdirisaaq Axmed Cali, kadib markii ay tanaasuleen labadii Musharax ee la tartami laheyd.

Waxaa isna Kursiga afaraad loo doortay Axmed Ibraahin Maxamed oo si gacan taag ah loogu codeeyay, kadib markii u tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo lagu magacaabo Baashe Maxamed Ismaaciil.

Sidoo kale Kursiga shanaad oo ahaa kii ugu dambeeyay ee doorashada iyo guud ahaan doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi (Somaliland) oo tirada ka dhigaayay kurasiga 11-aad, Waxaa ku tartamayay Deeqo Xasan Xuseen iyo Hodan Abuukar Xasan

Shalay ayee ahayd markii doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland wajigeeda 1-aad lagu doortay lix Senator, kuwaas oo iskugu jiray kuwa hore ugu fadhiyay iyo kuwa hadda noqday markoodii ugu horreeyay, iyadoo doorashadii maanta dhacday lagu doortay shan kursi oo ka harsanaa doorashadii shalay muqdisho ka dhacday ee aqalka sare ee BFS.