Kenya oo mar kale diyaarado ku duqaysay shacabka Gedo

6

-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  diyaaradaha dagaalka ciidamada kenya oo mar kale duqeymo kafuliyay Tuulooyin hoos yimaada degmada ceelwaaq ee gobolka gedo

Sidoo Wararka waxay ay  sheegayaan in khasaare kala duwan ka dhashay duqaymaha ay geesteen ciidamada kenya ,iyadoona  aan weli la agoonin qasaaraha rasmiga

Todobaadkan ayay aheed markii kenya duqaymo dhawr ah ka fulisay gobolka Gedo gaar ahaanna tuulooyinka hoos yimaada  Ceelwaaq, kuwaas oo khasaare u gaystay dadka Rayidka ah.

Inta badan weerarada ay gaysanayaan ciidmada kenya waxaa qasaaro xooggan uu soo gaaraa dadka masaakiinta ee kunool aaga ay duqeymaha ay ka gaysanayaaan