Weerar dad shacab ah ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Gobolka Mudug

1

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo  weerar jidgal ah ku qaadeen gaari lasheegay inuu ka ambabaxay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ,

Waxaana sidoo wararka ay sheegayaan in gaariga weerarka lagu soo qaaday uu ku sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in sigaar ah uu weerarka  kadhacay inta u dhaxaysa  deegaanada   lagu kala magacaabo Dhudub  iyo Qoryo-cado ee kawada tirsan gobolka mudug.

Inta laxaqiijiyay illa shan ruux ayaa weerarka ku geeriyooday halka tiro intaasi kabadan uu soo gaaray dhaawacyo  halis ah .

illa  hadda macadda dadka weerarka soo qaaday cidda ay yihiin , balse wararka qaar ayaa shegaya inay ahaayeeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo fasax ugu maqnaa qoysaskooda, kuwaas oo dib ugu laabanayay magaallada Dhuusamareeb.