RW Rooble oo ka hadlay Doorashadii ay ku soo baxeen lixda Senator

1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxame d Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeey lixda Sanoter Aqalka Sare ee doorashadooda Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble oo boggiisa Facebook qoraal ku soo daabacay ayaa waxaa uu ku yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah;

1-Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2-Saalax Axmed Jaamac

3-Cabdi Ismaaciil Samatar

4- Abokor Dubbe

5-Layla Axmed Ismaaciil

6-Bilaal idiris Cabdullaahi”

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay doorashada iyo ergada doorashada.

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan”.