Dowladda Somalia oo Sweden kala hadashay taageerida Ciidanka Xoogga

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ahna Senator la doortay Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgard.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Sweden gaar ahaan iskaashiga labada dowladood ee ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ahna Senator la doortay Xasan Xuseen Xaaji iyo Safiir Amb. Per ayaa isla soo hadal qaaday Arrimaha la xariira Horumarinta iyo Taageerada Ciidanka XDS.

Sidoo kale Safiirka Safiirka Sweden ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib u dhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.

Wasiirka Gaashaandigga Xasan Xuseen ayaa shalay Saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.