Khasaaro dhimasho oo ka dhashay qarax lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidamo Kenyaan ah.

7

Faah-faahino kaka duwan ayaa laga helayaa Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah oo geestay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaana kala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Ciidamada Kenyaan ka ah ayaa watay kolonyo gaadiid ah xilliga Qaraxa kala eeganayayi waxayna ku socdaalayeen inta u dhaxaysa deegaannada Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Laamu.

Warar ayaa sheegaya in qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay fureen rasaas farabadan,  balse aysan wax khasaaro ah u geeysan dadka Shacabka ah, hayeeshee dhankooda uu khasaaro kasoo gaaray.

Masuuliyada weerarkaasi waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyagoo sheegay in weerarka ay ku dileen 15 Askari oo Ciidamo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku bur buriyeen Gaari BG ah walow aysan jirin wax ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Sidookale Ciidamada Kenya ay socdaalkooda iska sii wateen, iyaga howlgallo miino baaris ah ka sameeyay wadada u dhaxeeysa deegaannada Kayunga iyo Shangani oo ka tirsan gobolka Laamu

Ciidamada Kenya ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab kala kulma inta badan weeraro toos ah iyo qaraxyo xilliyada ay ku socdaalayaan deegaannada Gobolka Waqooyi Bari, dhinacoodana ay mararka qaar sameeyaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.