R/wasaare Rooble oo guddoomiyay shir looga hadlayay howlaha doorashoyinka G/waqooyi.

11

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Soomaliland, Maamulka dhaqaalaha ku baxaya, Xareynta ergooyinka, Amniga iyo hufnaanta doorashada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha war qoraal ah oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay iney kulanka ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxamed iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wado dadaalo ku aadan qabsoomida doorashooyinka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Dowlad Goboleedyada qaar ay soo dhameestireen doorashada aqalka sare halka kuwa qaarna ay u harsan yihiin Xubno waxaana ugu dambeesay Hir-shabeelle oo labo kursi u harsan tahay islamarkaana uu weli ka taagan yahay khilaaf.