Fahad Yaasiin oo la wareegay xilkii lataliyaha amniga oo uu u magacaabay MW Farmaajo.

2

Agaasimii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir islamarkaana uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Xilka Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa maanta xilkaasi si rasmi ah ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay.

Qoraalka oo koobanaa ayaa lagu sheegay in lataliyaha Cusub ee amniga qaranka mudane Fahad Yaasiin uu xilka kala wareegay lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Muuse Cali, kadib munaasabad ka qabsoomtay Madaxtoyada Qaranka.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisii Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu mahadceliyay Lataliyaha Amniga Qaranka magacaabistaan, Isagoo xusay iney ka go’an tahay hormarinta Amniga Qaranka.

Tani ayaa kusoo aaday, iyadoo khilaaf xooggan uu Madaxweyune Farmaajo kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, taas oo salka ku haysa arrimo ay ka mid yihiin shaqo joojintii Fahjad ee Hay’adda NISA iyo Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax oo ay qoyskeeda sheegeen iney ku maqan tahay gacanta Hay’addaas oo ay ka tirsaneyd.