Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday wadooyinka muhiimkaa ee burbursan.

2

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan.

Wadada Xiriirisa Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan waxaa maanta kormeer ku tagey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Ujeedka Kormerka Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu sheegay in maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doono mashruuc dib loogu dhisayo wadooyinkaasi si isticmaalkooda ay uga faa’ideestaan bulshada iyo gaadiidka kala duwan.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay kaalintooda qaataan oo ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi, isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina khuseeya caqabadaha jira.

Cumar Filish ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka gaadiidka iyo Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada.