QM oo ka hadashay Qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

11

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeeyay weerarkii qaraxa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ay tacsi u dirtay eheladii dadkii ku dhintay weerarka.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegay, “waxaan markasta garab taaganahay dhammaan Soomaalida si looga hortago falalka argagaxisada ah ee foosha xun”

Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay, siddeed kalena way dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska ceelgaabta