RW Rooble oo kulan la qaatay hoggaanka Booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Taliyaha Booliska Soomaaliya, Taliska Booliska AMISOM iyo Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee (Somaliland).

Raysal Wasaare Rooble ayaa kala hadlay Taliyaha booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliska Booliska AMISOM iyo Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Gobollada Woqooyi fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa.

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Dhismaha Villa Rosa si habsimi leh ugu socoto diiwaangelinta musharixiinta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo galaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Saciid Cabdi Xuseen oo mar kale u tartamaya Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaangelinaya.

Sidoo kale xubnaha kale ee is diiwaangeliyay waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe.

24  musharax oo reer Somaliland ah ayaa ku tartami doona 11  kursi, iyadoona maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka qabsoomi doonto magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markii 2aad u taagan Aqalka Sare ayaa waxaa xusid mudan in keligii loo xiray kursi aanay jirin cid kale oo kula tartami doonta.