Somaliland oo war ka soo saartay Doorashooyinka Soomaaliya

1

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in aysan shaqo ku laheyn doorashooyinka dhowaan ka billaawaday Soomaaliya ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

War Saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka lagu wargeliyay in Somaliland aysanb qeyb ka hayn doorashooyinka Soomaaliya.

Hadalka Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay la shaaciyay liiska musharixiinta ku tartamaysa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.