Somaaliya iyo Uganda oo ka wad had lay xariirka labada dhinac.

11

-Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Uganda Mudane Jacob L. Oulanyah, iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan iyo sidii iskaashi loo sameyn lahaa labada dhinac.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in xariir wanaagsan oo labada dal u dhaxeeyo uu jiro gaar ahaan labada baarlamaan oo dowladda Uganda marar badan tababaro u sameysay baarlamaanada maamul goboleedyada dalkeena Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jacob L. Oulanyah, ayaa sheegay in Soomaaliya uu tagay sanadkii 2007-dii markaas uu Soomaaliya ka soo bixiyay tababar ku saabsanayaa dowladda wanaagga.

Gudoomiyaha ayaa sheegay shacabka Soomaaliya iyo kan Uganda uu leeyahay xariir soo jireen ah oo labada dhinac ah, iyadoo shacabka u dhaxeyn wax kala duwanaan ah oo hal meel kawa adeegtaan hal meelna wax ka wada cunaan.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Uganda ay mar walba diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ), ayaa dhankiisa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo horumarka uu ku talaabsaday muddooyinkii ugu dambeeyay iyo doorashooyinka ka socda dalkeena Soomaaliya.

Danjire Cagabaruur ayaa uga mahadnaqay sida Dowladda Uganda ay u martigalisay jaaliyadda ugu badan ee ku nool dalkan Uganda iyagoo dareemayn in ay joogaan qorbe, ayna yihiin ganacsato, arday, dad deegaan ah iyo qaxooti,  ganacsataduna ay yihiin kuwa aad uga muuqda gudaha Uganda ayna yihiin kuwo leh shirkadaha ugu waa wayn ee Uganda.

Safiir Cagabaruur ayaa ugu gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ugu hambelyeeyay guusha uu ka gaaray doorashii dib loogu soo doortay, isagoo Danjiruhu ku martiqaaday gudoomiyaha in uu booqdo dalkeena Soomaaliya si uu u soo arko horumarka dalkeena, dhankiisa Gudoomiyahana uu aqbalay in Soomaaliya booqdo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaamka ayaa guddoonsiiyay safiirka Soomaaliya ee Uganda hadiyado sharafeed, isagoo kulanka ku soo idlaaday is afgarad .