RW Rooble oo madaxda gobolada waqooyi faray iney soo gudbiyaan liiska musharixiinta aqalka sare.

9

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen dalka Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo uu heer gabogabo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland).

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed dar-dargalinta howlaha doorashooyinka Aqalka Sare ee BFS.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha masuuliyiinta ku booriyay boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.