Taalibaan oo xirtay wasaaradda haweenka Afghanistan

1

Dowladda cusub ee Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha.

Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso “Wasaaradda Wacyigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha.”

Taalibaan ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah looga saaray dhismaha wasaaraddii hore ee haweenka.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii wasaaradda waxbarashada ee ay maamusho Taalibaan ayaa lagu yiri, “Dhammaan macallimiinta iyo ardayda waa inay tagaan xarumahooda waxbarasho.”

Bayaankan laguma xusin haween macallimiinta ah ama arday dumar ah.

Arrimahan ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee Taalibaan ay ku xaddideyso xuquuqda haweenka tan iyo markii qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Kabul, inkasta oo ay hore u sheegeen inay yaraan doonaan xayiraadaha haweenka iyo gabdhaha.

VOA SOAMLIA