Dowladda Mareykanka oo balan qaad u sameesay Itoobiya.

4

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney cunaqabateyn dheeraad ah aysan kusoo rogeyn Itoobiya waa hadiise ay labada dhinac ay joojiyaan islamarkaana bilaabaan wada hadal.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in wada hadalladu ay si deg deg ah ku bilowdaan, iyadoo aan meesha la keenin wax shuruudo horudhac ah.

Madaxweyne Biden ayaa hore u saxiixay amar sare oo suurto gelinaya in Mareykanku uu tallaabo dheeri ah ka qaado dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, TPLF iyo dowladda gobolka Amhara.

Kooxda jabhada ah ee TPLF ayaa tobankii bilood ee ina dhaaftay waxaa dagaal xoogleh kula jiray Ciidamo kala duwan oo hubeysan, iyadoo boqolaal ruux in ka badan qarka u saareen Macluul daran.