Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

12

Wasiirka wasaaradsa Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta kulan la qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Tiina Intelmann.

kulanka ayaa looga wada-hadlay mashruuca PSDP ee horumarinta qeybaha wax-soo-saarka iyo weli ba taageerada Midowga Yurub ee horumarinta qeybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka.

Wasiirka wasaaradsa Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa uga mahad celiyay dalalka Midowga Yurub mashaariicda kala duwan oo ay ka fuliyaan Soomaaliya, isaga oo balan qaaday inay la Shaqeyn doonaan.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Tiina Intelmann ayaa dhankeeda sheegtay inay sii wadi doonaan taageerada nooc walba leh oo ay siiyaan Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.