Shirkii maanta ka dhici lahaa Madaxtooyada oo baaqday

1

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in uu baaqday kulankii golaha ammaanka oo maanta la filayay in uu qabsoomo.

Inkastoo aan la caddeyn sababta baaqashada, hadana waxaa loo badinayaa in ay u badan tahay hakadkii galay safarkii shalay uu Muqdisho ku iman lahaa taliyihii hore Nabad Sugidda Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in ay gadaal kasoo sheegi doono goorta la qaban doono Shirka.

Shirkaan ayaa horay waxaa uga qeyb galeyn Wasiirka Amniga iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo labadood qeyb ka ah golaha Amniga qaranka.