Olole Nadaafadeed oo loogu magac darey Isxilqaan ayaa laga bilaabay gudaha Magaalada Baardheere

22

Labadii todobaad ee la soo dhaafey waxaa ka soconayey Baardheere Olole Balaaran oo lagu nadaafinnayo dhamaan xaafadaha magaalada,Ololahan oo loogu magic darey Isqilqaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya dhalinyarada magaalada ee isugu jira wiilal iyo gabdho ,kuwaasi oo u badan Ardeyda wax ka barata Iskuulada Baardheere.

talaabadan lagu nadiifinayo Magaalada ,islamarkaana wax looga qabanayo Qashinka iyo meelaha Biyo fadhiisiiga ah ayuu sheegay Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Baardhere Maxamed Ibraahin Faradheere in howshani ay tahay Mid Ardeyda iskuulada ah ay si tabarucaad ah ay ugu qeyb qaadanayaan.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Mas,uuliyiinta Nadaafad Degmada iyo Dhalinyaradii howsha wadey ayaa dareenkooda waxay ka muujiyeen Ahmiyada iyo Bilicda magaalada ay u leedahay howsha wax looga qabanayo Nadaafada Baardheere.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Barnaamij noocani oo kale ah ,islamarkaana wax looga qabanayo Nadaafada Deegaanka laga sameeyo degmada Baardheere.