Fahad Yaasiin iyo Rakaabkii lagu xannibay Jabbuuti oo dib loo celiyay

11

Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii la socday diyaaradda Turkish Airline ee maanta lagu xannibay garoonka Jabuuti lagu celanayo meeshii ay ka yimaadeen ee magaalada Istambul ee dalka Turkiga.

Wasiirka oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Twitter ayaa sheegay  in rakaabkan ay dib diyaarad kale uga soo raaci doonaan Istambuul si ay u gaaraan magaalada Muqdisho.

Diyaaradda uu la socdo la taliyaha amiga ee madaxweyne Farmaajo ayaa muddo saacado ah ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabbuuti.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa dowladda Jabuuti lagu eedeeyay in ay xannibtay la taliya amniga ee  madaxweyne Farmaajo.

Balse wasiirka maaliyada ee Jabbuuti ayaa sheegay in aysan lug ku laheyn xanibaada diyaaradda Turkish Airline.