Daacish oo la sheegay in weerar qaraxyo ah ay ku dishay Askar Nigerian ah.

3

Saraakiil maxali ah ayaa sheegay in 16 askari ay ku dhinteen weerar dhowr miino oo dhulka lagu aasay lala bartilmaamaysaday kolonyadii ciidanka ay la socdeen oo mareysay Gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria.

Askarta ku dhaawacantahay weerarka ayaa la dhigay isbitaalada ku yaala Gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria.

Kooxda Daacish aya sheegatay masuuliyada weerarkaasi, ilaa 2 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay kudhinteen 12kalana dhaawac uu kasoo gaaray.

Saraakiisha laamaha ammaanka dalka Nigeria ayaa wada howlgal ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan dalkaasi