Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe oo gunnooyinkii ay qaadan jireen Ciidanka NISA qaarkood ka jaray.

2

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu u magacaabay Agaasimaha ku meel gaarka ah ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa la sheegay in uu ka jartay lacagihii inbta badan askarta iyo saraakiisha NISA, gaar ahaan kuwa taabacsan Yaasiin Fareey oo uu isna Agaasime ku meel gaar ah  NISA u magacaabay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xog ay ka heshay KNN Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA oo la hadlay ayaa tilmaamay in lacagihii laga jartay iyo gunnooyinkii usoo dhici jiray askarta iyo Saraakiisha qaarkood, iyagoo sheegay iney  isaga dabari jireen kirooyinka Guryaha ay degan yihiin iyo howlo kale.

Taliyaha KMG ah ee hay’adda NISA talaabadaan uu qaaday ayaa lagu sheegay ujeedkeeda sidii uu cadaadis u saari lahaa Saraakiisha iyo askarta si ay isaga garabkiisa u noqdaan islamarkaana kasoo tagaan dhinaca Yaasiin Fareey, hadii ay diidaana uu xanibaado dhaqaale saari doono.

Sidookale waxey inoo sheegeen Saraakiishaan in lacagaha gunnada ay u soo dhici jirtay 10-ka ilaa 15-ka bisha, laakinse aysan wali soo gaarin, iyadoo maanta bisha ay tahay 18, waxeyna tilmaameen in si cad loogu sheegay in xanibaadahan ay sii saarnaan doonto ilaa ay isa soo dhiibaan.

Waxaa la sheegay in Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe uu si toos ah ula soo xiriirayo askarta iyo saraakiisha kuwaas oo xilalka sar sare ka haya NISA, Isagoo Bashiir Goobe u sameynaya balanqaadyo uu u fulinayo hadii ay dhankiisa noqdaan.

Saraakiisha qaar oo ina la hadlay ayaa inoo sheegay iney markii uu la soo xiriiraba ay u sheegayaan iney la shaqeenayaan hadii uu yimaado Xarunta NISA, maadaama ay iyagu joogaan oo ay ku shaqeeyaan taliska NISA.

Mar aan suaal ka wediinay dhanka mushaarka Saraakiisha la hadlay KNN ayaa ku jawaabay ineysan taasi wax hadda ka sheegi karin, maadaama xiligii bishii hore lacagta la qaadanayay uusan Bashiir Goobe taliye eheyhn, islamarkaana midaas ay u kala ogaan doonaan  kadib markii la gaaro dhamaadka bishana September, waa hadii uu sii taagnaado khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble.

Tani ayaa saameyn xoogleh ku yeelan doonta Shacabka Soomaaliyeed ee degan Muqdisho iyo nawaaxigeeda mar hadii askarta iyo Saraakiisha sar sare laga jarto gunnooyinka iyo Mushaarkaba islamarkaana shacabka ay u geysan doonaan dhac baahsan iyo dilal xoogleh, maadama xuquuqdooda ay dowladdu ku maqan tahay sida ay qabaan dad badan oo odrasa arrimaha ciidamada iyo siyaasadaba.