Cumar Filish oo kahadlay qaraxii kadhacey Wadajir.

4

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Maqaaxi kutaala degmada Wadajir.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa falkaasi gurcan ku tilmaamay mid ka fog Islaamnimada iyo Bini’aadanimada islamarkaana kooxaha Argagixisada ay caadeesteen daadinta dhiiga dadka Muslimka ah ee aan waxba galabsan iyagoo ku soo gambanaayo Diinta Ismaalamka oo ah mid naxariis badan oo nabadgalya ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ilaahey ugu baryay inuu Naxariistiisa Jano ka waraabiyo walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkaasi bahalnimada ah ee caawa ka dhacay degmada Wadajir, sidoo kale waxuu caafimaad deg deg ah u warajeeyay dadkiisa uu dhaawaca soo gaaray.

Ugu danbeyn duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah ugu midoobaan la dagaalanka Argagixisada si ummada ay ugu noolaadan Nabad iyo horumar.