Faah faahin : qarax kadhacey muqdisho.

6

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaare xooggan geestay oo kadhacey degmada Wadajir ee Magaallada Muqdisho .

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan inuu qaraxa kadhacey maqaayad ay ku shaaheeyaan dad shacab ah iyo Ciidamo katirsan dowladda somaaliya .

Ku dhowaad qaraxa waxaa ku geeriyooday illa 10 ruux oo is kuugu jiraan shacab iyo askar goobta kusug naayeen ,iyadoona tirada dhaawaca ay kor udhaafaayaan 15 ruux .

Dadka deegaanka ayaa sheegey inuu qaraxa ahaa miino iyadoona uu geestay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed .

Weli majirto cidda sheegatey qarax kadhacey degmada wadajir iyadoona inta badan qaraxyada kadhaca magaallada muqdisho ay sheeg taaan Alshabaab.