Waan-waan horu dhac ah oo laga gaaray xiisad colaadeed oo ka taagnayd Saax-maygaag

3

Waan-waan hordhac ah ayaa laga gaaray colaaddii ka taagnayd tuulooyinka Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ee Puntland.

Guddi ka kooban labada dhinac oo ku hawllanaa muddooyinkii dambe xallinta colaaddaas, ayaa go’aamiyay in maalinta berri ah la kala qaado malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Finley, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.

Beri wixii ka dambeeya ayaa la filayaa in labada maleeshiyo la kala qaado, iyadoo intaas kadib ay bilaaban doonaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed.