Madaxweynaha somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdirashiid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala wareegay Ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.
Cabdirashiid Muuse Cali ayaa horey u ahaa u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyadoo xilkaasi uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ee Shaqo joojinta uu ku sameeyay Ra’iiusul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Agaasimaha Guud Cusub ee Madaxtooyada Qaranka ayaa isna dhankiisa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo ugu mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.
Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.
Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.