QM oo sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay wajahaan cuno yaraan daran

1

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 3.5 Milyan oo ruux oo ku nool gudaha Soomaaliya, in ay wajahaan xaalad cunno la’aan sababo la xiriira kaalmooyinka binu aadanimo oo hoos u dhac uu ku yimid.

Warbixin ay soo saartya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo gargaarka ayaa waxaa lagu sheegay in 1.2 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ay u badan tahay inay nafaqo -darro ba’an hayso, oo ay ku jiraan ku dhawaad 213,400 oo ay u badan tahay inay nafaqo -darro ba’an hayso.

Warbixinta ayaa sheegeysa in billowgii sannadkan ay yaraatay cunno yarida, taasi oo u sabab aheyd gargaar oo kordhay iyo tageerada dowladda tan iyo Janaayo 2021.

In kasta oo waxyeelo aad u yar ay soo gaartay horaantii ilaa badhtamihii 2021, warbixintu waxay leedahay, Ayaxa oo meelaha qaar ka jira uu hoos u dhigay bixida beeraha iyo wax soo saarka dalagga Soomaaliya oo dhan.

Waxaa uu ku baaqay in wadashaqeyn dhow ay yeeshaan Dowladda Federaalka ah, hay’adaha samafalka, dadka qurba joogta ah, ganacsatada iyo asxaabta horumarinta.

“Haddii aan la helin gargaar cunto bani’aadamnimo oo joogto ah, 3.5 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya ayaa la filayaa inay la kulmaan Xiisad (IPC Wajiga 3) ama natiijooyin ka sii xun inta u dhexeysa Oktoobar iyo Disember 2021. 3.7 milyan oo qof oo dheeraad ah ayaa la filayaa inay la kulmaan Culeys, taasoo wadarta guud Tirada dadka wajahaya cunno yari ba’an oo gaareysa 7.2 milyan, ”FSNAU ayaa ka digtay.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadaysa xilli qeybo kamid ah dalka ay ka curteen roobabkii xagaaga.