: Xundubey oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Rooble

3

Wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble.

Wasiir Hassan Hundubey Jimcaale oo uu Ra’iisul wasaare Mohamed Hussein Rooble xilkii ka qaadey una magacaabey wasiirka Amniga Xildhibaan Abdullahi Mohamed Nur ayaa sheegey in xil ka qaadistiisa aysan sharci aheyn, isla markaana ay la mid tahay wax aan dhicin oo kale.