Deni oo kulamo gaar gaar ah la qaatay guddiga amniga iyo dhaqanka G/mudug

10

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddiga Amniga Gobolka Mudug. guddiga ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Amniga Gobolka, horumarada laga sameeyay iyo qorsheyaasha amni ee diyaarsan.

Madaxweyne Deni ayaa  bogaadiyay shaqada Amni ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan, wuxuuna laamaha Amniga faray in la sii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Saciid Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolka Mudug. iyadoo War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kulan qado ah la qaatay isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolkaas Mudug.

Madaxtooyadu ma sheegin arrin gaar ah oo madaxweyne Deni kala hadlay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Gobolka, balse wararku waxay sheegayaan in uu kala hadlay Arrimaha Gobolka iyo doorashada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.