Puntland oo qabatay lacago ‘been abuur ah’

14

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay lacag isugu jirtay Dollar iyo EURO oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galin rabay magaalada Boosaas ee Gobolka Bari.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Lacagtaan faalsada oo gaaraysay in ka badan 2 Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun, taas oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda, islamarkaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun.

Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa duqa magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Bangiga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu danbayntii sheegay in sharciga la horgayn doono cidii wadatay lacagtaas sidoo kalana u mahad-celiyay ciidamada Booliiska oo ku guulaystay in gacanta lagu soo dhigo lacagtaas.