Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug .
Soo dhoweynta Madaxweyne Deni waxaa ka qeybagalay Xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda ee Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Masuuliyiinta gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshaweynta magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan xarigga ka jaraya garoonka kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay.
Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan ee Magaallada Gaalkacyo.