Banaabax ka socda Beledweyne

5

Magaalada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan waxaa ka socda banaanbaxyo xoogan oo looga soo ciidanka AMISOM iyo dowladda eek u sugan gobolkaas.

Banaanbaxa ayaa yimid kadib markii Ciidamo uu Hogaaminayo Taliya Guutada 5aad Qeybta 27-aad ee Militariga iyo Kuwa Jabuuti ay sheegen in ay ku baxayaan dagaaladii ka dhacay ee Deegaanada Kabxanleey, Deefoow iyo Aabaaleey waqooyiga Beledweyne.

Qaar kamid ah dadweynaha banaanbaxa sameynaaya ayaa sheegay in Jabuuti ay hub iyo Risaas u wadaan sida ay sheegen mid kamid ah beelaha ku dagaalamay deegaanada Kabxanleey iyo Deefoow ee gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegen dadka banaanbaxa wado ayaa Ciidamada Jabuuti ku ku edeeyay in inta uu socday dagaalka aysan ku bixin lakiin maanta waxaa wado ay yihiin Hiilo iyo Garab  ay siinayaan mid kamida beelaha dagaalamaya.

Deegaanada Kabxanleey iyo Deefoow ee gobolka Hiiraan weli waxaa ka jira dhiilo colaadeed oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo mudooyinkii dambe ku dagaalamayay halkaas.