Somaliya iyo Masar oo ka hadlay iskaashiga labada dal.

5

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Maxamed Saafankulankaa oo uu goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar.

Kulan ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo dan guud ah iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas ayaa sheegay kulankan oo xoojinaya xiriirka labada dhinac inuu sidoo kale ka helay dhiggiisa Masar ballan-qaad la xiriira dhammaan dhinacyada ay taageerrada uga baahantahay Soomaaliya si dib loogu dhiso hay’adaha dowliga ah loona soo celiyo xasilloonida bulshada.

labada dhinaca ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo daboolo danaha horumarineed ee bulshooyinka labada dal.