Muxuu RW Rooble oo kala hadlay Talyeyaasha Ciidamada?

4

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulan la yeeshay taliyeyaasha Ciidammada, sida Xoogga, Booliiska, NISA iyo Asluubta.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa talyeyaasha ka dhageystay warbixin, isaga oo faray in ay xoojiyaan howlaha amniga.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BFS  Cabdiweli Ibraahim Sh.Muuddey.