RW Rooble Oo Ka Hadlay Kiiska Ikraan Tahliil (48 Saac Loo Qabtay Agaasimaha NISA)

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow oo Caawa ah ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo NISA shaacisay in gabadhadaas ay dileen Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore sheegay in murugada iyo welwelka ka dhashay xogta Hay’adda NISA ee geerida Ikraan Tahliil la qeybsanayo qoyska iyo Ehelada Ikraan iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in markii ay soo bilaabatay arrinka Ikraan uu si dhow ula socday kiiskeeda, isagoo xusay in hoggaanka Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA uu faray inay keenaan xog dhameystiran oo ku aadan kiiska, uuna siiyay waqti.

Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay xogta geerida ee NISA ka shaacisay Ikraan Tahliil, isla markaana si Cad u sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabadsugida, sidoo kalena aysan aheyn caddeyo ku filan kiiska.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay inay dareen ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed Arrinta Ikraan, kana dhalatay Carro, sababtay in afduub loo geysto dhalinyaro  aan wax lug ah ku laheyn kiiska.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin u qabtay in muddo 48 saac gudahooda uu kusoo gudbiyo Warbixin dhameystiran oo ku aadan Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana ballan qaaday in Ikraan heli doonto cadaalad.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA oo la la’aan muddo laba Bil ay u gacan gashay Al-shabaab, kadibna ay dileen, wallow Al-shabaab beeniyeen Warka NISA, iyagoona iska fogeeyay.