Muuse Biixi oo aqbalay is casilaadii Amb Baashe mid kale u magacaabay jagadiisii

4

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa aqbalay iscasilaadii Amb Baashe Cawil X. Cumar oo iska casilay xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibada oo uu madaxweynuhu u magacaabay 2 bishan, isla markaa madaxweynaha ayaa xilkaa u magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble.

Wareegto uu ku saxeexanyahay madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu aqbalay iscasilaada uu Amb Baashe iska casilay xilkii wasiir ku xigeen-nimo iyo kii uu ka hayay xafiiska Somaliland ee dalka Kenya.

Xilka wasiir ku xigeenka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa loo magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta isla markaana uu madaxweyne Biixi xilka uu ka qaaday isku shaandhayntii 2 bishan uu ku sameeyay masuuliyiinta xukuumadiisa.

Madaxweynaha Somaliland ayaan wali buuxin xilka wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo uu isagana Amb Baashe iska casilay.