M/weyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo gaaray Jowhar

13

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad goboleedka Hir-shabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka waxaa magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hir-shabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaa ku nool.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo xubno kale.

ujeedka Safarkood Magaalada Jowhar ayaa ah dardar galinta howlaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya Hir-shabeelle.