Puntland oo gaadiid dagaal ku wareejisay Galmudug.

3

Toban gaari oo 8 ka mid ah ay yihiin baabuurta dagaalka ayaa maamulka puntland waxay maanta ku wareejiyeen maamulka Galmudug.

Gaadiidkaan ayaa la sheegay in loogu tala galay in looga qeyb qaato howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.

Qaar kamida deegaanada Galmudug waxaa ku sugan dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, iyadoo dhawaan ay la wareegeen magaalada camaara ee koonfurta gobolka Mudug.