Macalimuu oo ka digay rabshado ka dhaca gobolka Gedo

10

Cismaan Nuur Xaaji guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Gudoomiye Macalimuu ayaa ka digay in gobolka Gedo laga celiyo masuuliyiinta Jubbaland ee imaanaya halkaas, loona wada siman yahay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in masuuliyiinta qaar ee soo maray gobolka laga lahaa ujeedooyin gaar ah si loo go’doomiyo gobolka, taas oo keeni kartay xaalad adag.

Hadalka gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nur Xaaji ayaa kusoo aadaya,
Kadib markii war kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Garaad lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Jubbaland tegi karin Gobolkaas.