Faahfaahino ka soo baxaya dad lagu diley gobolka Hiiraan

2

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay lix ruux oo shacab, saddex kalana la dhaawacay, ka dib markii Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad beeralay ah oo ku sugnaa deegaanka Abaaley oo warqooyi ka xiga magaalada Beledwayne.

Maleeshiyada hubeysan oo meesha isaga baxsaday ayaa waxaa ku baxay dad rayid ah, kuwaasi oo ku heyb ah dadka la dilay.

Magacyada dadka la dilay ayaa kala ah Khaliif Xassan Cadde, Cameey Cabdi .Nuure Barre Cilmi, Maxamuud Cabdi Barey iyo  Maxamed Bishaar Afeey kuwaas oo dhamaantood aha Shacab beeraley ah.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisad kacsanaan ay ka jirto deegaanka, isla markaasna ay suuragal tahay in u dagaal dhaco.