Nin hubeysan ayaa la dilay kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn ka dhacday meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania.
Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.
Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya.
Si kastaba ha ahaatee, booliska ayaa heegan la galiyay. Illaa iyo hadda boolisku wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan dadka badan naxdinta gelisay.
Safaaradda ayaa waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay taxaddar muujiyaan