Khasaare ka dhashay dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta

17

Dagaal ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhex-qaraxay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee Itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyo ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Shakle iyo birta dheer oo dhanka magaalada Candhuufa ah iyo tuulada Qalacle oo aan ka fogeyn magaalada Garbaciise oo bil ka hor ay dagaal kula wareegeen maleeshiyaad Deegaanka Canfarta ka soo jeeda.

Ujeedka weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Canfarta ayaa lagu sheegay inay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, kadib markii ay horey gacanta ku dhigeen magaalooyinka Garbo-Ciise & Cadayti oo ay ku sugnaayeen Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Dagaalka ilaa iyo hadda ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan dbinacyada dagaaladay ee Soomaalida iyo canfarta. Ciidamada Canfarta’ ayaa  waxaa la sheegay inay doonayaa inay gacanta ku dhigaan magaalada Cundhufo’ kadib markii ay horay u qabsadeen magaaloyinka’ Garbo-Ciise iyo Cadayti oo ay markii hore gacanta ku heyn jireen maleeshiyaad Soomaali ah.