Mas’uuliyiinta Koonfur Afrika oo cambaareeyay dhacdo lagu eedeeyay muwaadiniin Soomaali ah

0

Mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay dhacdo ka dhacday deegaanka Bellville ee magaalada Cape Town, kaddib markii muwaadiniin Soomaali ah lagu eedeeyay inay cabsi geliyeen ganacsato maxalli ah si ay uga hor istaagaan inay ganacsi ka sameystaan halkaasi.

Bellville, oo sidoo kale loo yaqaan “Little Somalia”, ayaa ah deegaan ay ku badan yihiin muhaajiriinta Soomaaliyeed, kuwaas oo intooda badan ka shaqeeya dukaamada, xarumaha ganacsiga iyo maqaayadaha.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha ganacsiga yaryar, Masefako Dikgale, ayaa sheegtay in haddii muuqaallada lagu baahiyay baraha bulshada ay sax yihiin, ay tahay in booliisku si degdeg ah u baaro arrinta islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug leh.

Waxay sheegtay in muuqaaladaasi ay muujinayaan dad la rumeysan yahay inay yihiin muwaadiniin Soomaali ah oo hub sita, kuwaas oo la sheegay inay ka hor istaagayeen ganacsatada maxalliga ah inay ganacsi ka sameystaan deegaanka.

Dikgale ayaa intaa ku dartay in muuqaallada noocan oo kale ah ay dhaawacayaan sumcadda muhaajiriinta ku nool Koonfur Afrika. Dhankeeda, Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Ganacsiga Yaryar ee Koonfur Afrika, Jane Sithole, ayaa ku tilmaantay waxa ka dhacay Bellville mid aan la aqbali karin.

Waxay sheegtay in aysan jirin cid xaq u leh inay cabsi geliso, hanjabto ama hub u adeegsato si looga hor istaago dadka kale inay ganacsi sameystaan, iyadoo ku baaqday in sharciga si siman loogu dabaqo cid kasta oo ku lug yeelata falal noocaas ah. Mas’uuliyiinta ayaa xusay in xorriyadda ganacsigu ay tahay xuquuq uu sharcigu dammaanad qaaday, isla markaana loo baahan yahay in dhammaan ganacsatada, ha noqdaan muwaadiniin ama ajaanib, ay ku shaqeeyaan si nabad ah oo waafaqsan shuruucda dalka