Rooble oo sheegay inuu xalin doono tabashada ka taagan Hiiraan.

1

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay inuu xalin doono tabashada shacabka Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabelle.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in R/wasaare Rooble uu diyaar u yahay xalinta tabashada shacabka Hiiraan kala dhaxeyso maamulka Hirshabeelle.

Warkan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ee ah inay xalinayso cabshada shacabka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa imaanaya xili maalin ka hor ay magaalada Beledweyne la wareegeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.