Galmudug oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Camaara lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

16

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay  in Ciidamada Xoogga  dalka iyo daraawiishta  Galmudug  ay ka horatgeen weerar Al-Shabaab  ay  ku qaadeen fariisamo Ciidanka ay ku leeyahiin duleedka magalada Camaara, halkaasi oo uu sheegay in khasaaro xoogan loogu geystay Al-shabaab.

Wasiir  Axmad Shire Falagle ayaa  sheegay  in ku dhawaad 60 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay dil iyo dhaawac ugu geysteen magaalada Camaara, isagoona sheegay in weerar dhankooda ay ugu dhinteen 5 askari oo uu ka mid yahay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga galmudug ayaa lagu shaaciyay in duqaymo dhanka hawada oo is xigxiga ay ciidamada huwantu dul istaageen maydadka xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi tiradooda gaaraya ku dhawaad 60 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

“Wasaaradda Amniga ayaa ammaan iyo bogaadin u dirtay geesiyada naftood hurayaasha ah, ayagoo ka tacsiyadeeyay shuhada qiimaha badan ee naftooda u hibeeyey ka xoraynta geyiga Soomaaliya argagixisada ku soo duushay, intooda dhaawaca ahna Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug.