Maxay kawada hadleen wasiir Xaniifa iyo masuuliyiinta safaaradda Finland?

3

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan la qaadatay mas’uuliyiin ka socota safaaradda Finland ee Soomaaliya, ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Qodobada kulankooda diiradda ay ku saareen ayaa waxaa kamid ahaa; xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, dardar gelinta shuruucda kala duwan ee Wasaaradda Haweenka hor tebinta u leh iyo arrimo kale.

Mas’uuliyiinta safaaradda Finland ayaa waxaa ay kala ahaayeen; Maiju Lepomakr oo ah u qeybsaha mashaariicda safaaradda ee Geeska Afrika iyo Mauri Starcrman oo ah isu duwanaha barnaamijyada ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo idlaaday is af garad ku qotoma wada shaqeyn iyo iskaashi labada daraf oo ah, Wasaaradda Haweenka iyo safaaradda Finland ee Soomaaliya.