Garabka Cabdi xaashi oo war kasoo saaray habraacyada doorashada

12

Golaha siyaasiyiinta Somaliland gaar ahaan garabka u hogaamiyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa war kasoo saaray shirarkii maalmahan Muqdisho kaga socday golaha wadatashiga qaranka iyo habraacyadii doorashada ee ay soo saareen.

Ugu horeyn, waxa ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan in doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland la waafajiyay habraacyadii 2016-ka.

Dhanka kale, waxa ay kasoo horjeesteen qodobada qaar ee ku jira habraacyada ay soo saareen Golaha wadatashiga qaranka.