Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Camaara.

13

Ciidamada Daraawishta Galmudug iyo Ciidamada la howlgalo ayaa Weerar Cirka ah ku qaaday Al-Shabab oo weerar ku soo qaaday Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabab,iyadoo aheyd tii sedexaad labadii Bilood ee la soo dhaafay, iyadoo wax qasaaro ahna ka soo gaarin Dadka Rayidka ee ku nool degaankaas sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan in si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan Dadkooda ilaa Qatarta Al-Shabab la cirib tiro, Dadka Soomaaliyeedana ku nooladaan wax baqdin ah oo uga imaanayo Al-Shabab.