Jubbaland oo musharixiinta ka mamnuucday in hub lagu dhex sito Kismaayo.

10

Wasaaradda Amniga dowladd goboleedka Jubbaland ayaa Awaamiir ka soo saartay hubka lagu dhex qaato magaalada, iyadoo sheegtay inay masuul ka tahay amniga guud ahaan dadka reer Jubbaland.

Wasaarada ayaa qoraal kasoo baxay ku sheegtay in iyadoo la galaayo doorashada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya loo baahan yahay in la sugo amniga caasimada KMG ah ee magaalada Kismaayo, si sare loogu qaado la dagaalanka Al-shabaab iyo kuwa kale.

Qoraalka wasaaradda amniga ayaa lagu mamnuucay in gudaha magaalada Kismaayo aani hub ku dhex wadan karin cid aan ka ahayn laamaha amniga u xilsaaran marka laga reebo illaalada madaxda iyo masuuliyiinta, si loo illaayo amniga musharixiinta iyo ergooyinka cod bixinta.

Hoos ka akhriso: