Muxuu ka yiri Xasan Shiikh habraacii doorashada ay soo saareen golaha wadatashiga?

5

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud islamarkaana ka tirsan golaha midowga musharixiinta ayaa qabtay shir jaraa’id, kaas oo uu kaga hadlay habraacii ay soo saareen golaha wadatashiga qaran shalay.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la cadeeyo habka ay u dhaceyso doorashada loona qabto si hufnaan ah, iyadoo intaa uu ku daray in la kala saaro cidda soo xuleyso Ergada, cidda ay matalayaan maadaama doorashada ay tahay mid dadbadan.

Wuxuu tilmaamay Mr Xasan in ay doonayaan in dadka laga saaro shakiga ku aadan doorashooyinka islamarkaana doorashada kaliya noqon magacaabis.

Sidookale wuxuu ku taliyay in ergada ay soo xulaan 135-tii Oday ee la yaqaanay, marka laga reebo qofkii diida ka qeyb galka doorashada.